Wararkii ugu danbeeyay magacaabista ra’isalwasaaraha

Laba war,ayaa kasoo baxaya magacaabistii ra’isalwasaaraha?

Warka 1-aad?

In Madaxweyne Xasan udhoofayo Turkiga magacaabistana uu shaacin doono markuu baxayo.

Warka 2-aad?

Waxaa dhici karta in dib udhac ku yimaado magacaabista ra’isalwasaaraha.

Madaxweyne Xasan inta uusan udhoofin Turkiga in Baarlamaanka uu ka codsan doono mudo kordhin ku aadan magacaabista ra’isalwasaaraha.

Dib udhaca,waxaa sababay,ayaa la leeyahay culays laga dareemay Baarlamaanka Fadaraalka.

Deni iyo N&N in ay ku heshiiyeen isbahaysi cusub,ayaa soo baxaysa,kaasoo salkiisu yahay na badbaadi anaguna waa kugu garabgalaynaa hankaaga Deniyow.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisu waxay dareemeen hadii ay soo tuuraan Shaqsi aan miisaan lahayn oo aan ka gadmayn PL iyo JL in Baarlamaanku kusoo celinayo.

Dhamaan wararkaas ma’ahan gacanta 1-aad ee la xaqiijiyay.

Jibril Qoobey.