Madaxweyne Axmed oo dib ugu laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo shirkii Golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kala duwan.