Maxaan kala soconaa Urur Goboleedka EAC ?

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay. South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeega xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.

Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.

Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay urur goboleedka EAC ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah ay yeeshaan dowlad ay ku midaysan yihiin.

Midnimada dowladeed ee uu doonayo ururka ayaa waxaa bud-dhig u noqon doona in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaanka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibedda. Lama sheegin xilliga la gaari doono yoolkaas.