Maxay uga dhigan tahay Puntland RW ka yimid Beesha Ogaden?

Hanbalyo ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliya Xamsa.

Xaqiiqdii waa war weyn oo lagu farxo,si gaar ah Beesha Ogaden in ay hesho Darajadan waa usharaf reer Puntland.

Waxaa soo afjarmay Ogaden waa Laaji oo Somaliya kuma jiro xuduudeeda.

Waxaa soo afjarmay ma qaadan karaan Labada cad ee Dalka ugu sareeya maqaam ahaan.

Madaxweyne Deni in uu ku adkaysto in Ogaden la siiyo Kursigaas way dhabowday,waana aragti sax ah.

Majeerteenka Puntland waxay utahay sumcad wanaagsan,waxayna muujinaysaa in ay raali ka yihiin jifi walba oo Daarood ah in ay wax noqoto.

Beri Siyaasigii han leh oo caafimaad qaba kana soo jeeda Beesha Daarood ee kale in ay ugu hiilin karto Kursiga Dalka ugu sareeya ayay hoosta ka xariiqday.

Qaadashada Kursiga Ra’isalwasaaraha ee Beesha Ogaden waxay udhiganta midnimo iyo isu tanaasul Daarood.