Raadinta Deni Ee ra’isalwasaaraha Fadaraalka waa kufsasho Siyaasadeed

Deni in uu ra’isalwasaare ku dagaalamo waa nasiibdaro xaqiiqdii.

Madaxweynaha Puntland 12-Milyan oo dolar Bishii,ayuu maamulaa,waxuuna ka arimiyaa 200-kun oo Km isku wareega1670-km oo Xeeb ah,Afar Milyan oo Qof,Laba Dekadood,Sadex Garoon oo caalamiya iyo 9-Jaamacadood.

Halka Madaxweynaha Fadaraalku maamulo 6-Milyan oo dolar Bishii,Hal Magaalo,Hal Deked,Hal Garoon,12-Jaamacadood iyo 2-Milyan oo Qof marka laga reebo Saxiixa caalamiga ah ee uu haysto.

Ra’isalwasaaraha Fadaraalku miisaaniyada Xaafiiskiisu waa 80-kun oo dolar mana jirto awood uu leeyahay,lagumana tixgeliyo mida Dastuuriga ah,waa magac uyaal lagu soo xusho dabacsanaan iyo liidasho,madaxa hoos uraariciya oo loo yeeriyo waxa la rabo.

Madaxweyne xigeenka Puntland miisaaniyada Xaafiiskiisa,waa 70-kun oo dolar Bishii,waxuu haystaa xushmad Dastuuriya.

Madaxweynaha Puntland waxuu geyaa Madaxweynaha Fadaraalka in uu uguuro,waxii ka hooseeyaa waa kufsasho Siyaasadeed.

Ra’isalwasaaraha inkastoo uu Dastuutiyan ka maqaam sareeyo Madaxweynaha Puntland hadana waaqicigu sidaa ma’ahan.

Ra’isalwasaare,waxaa raadiya Nin aan shaqo haysan iyo Nin aan Karti ulahayn in uu hogaamiye noqdo.

Jowharada Saldano ee Somaliya,waa Madaxweynaha Ninkii hela,ayaana Dalka Xukuma.

Ma gayo Madaxweynaha Puntland ra’isalwasaare!!

Jibril Qoobey.