Somaliya oo dib ufurida Qaadka Kenya shuruud hordhigtay?

Dowladda Somaliya,ayaa ka codsatay Kenya in ay gacan ka siiso ku biiridda Ururka Goboleedka Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa dalabkaas kala hadlay dhiggiisa Uhuru Kenyatta oo ay todobaadkii hore ku kulmeen Muqdisho.

Xasan Shiikh,ayaa horay loogula taliyay in uu dib ufirida Qaadka uga badasho Kenya laba arimood oo ay midi tahay ku biirida Ururkaas,halka mida kalena ay tahay ufududaynta Shacabka Somaliyed Dal kugalka Kenya.

Waxaa la fahansan yahay in ku biirista Ururkaas ay Kenya ka hor istaagtay Somaliya Laba jeer oo ay codsatay.

Somaliya,ayaa doonaysa in xubinnimada EAC ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaalida ah ay uga shaqeystaan dalalkaas.

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.