Maxaa macnotiray khudbadii Deni ka jeediyay Baarlamaanka?

Khudbad aan xiiso badan loo qabin laguna dhagaystay niyad jab,ayuu jeediyay Deni.

Duruufaha gudaha Puntland ka jira ee ubaahan ficil waxqabad,ayaa ka dhigay khudbada Madaxweynaha mid aan macno lahayn.

Bishii 3-aad oo aan Mushahaar la bixin,ayay ku jiraan Shaqaalaha Dowlada qaybahooda kala duwan.

Sicir-barar caalamka lala qabo oo aysan Dowlada wax talaabo ah ka qaadin,ayaa Dadka aad usaameeyay.

Dhaqaalo yari caalamka lala qabo oo aysan Xukuumadu uhakan,ayaa taagan.

Marka laga soo tago Duruufaha nololeed Dadku Deni iyo hogaamintiisa gudaha wax niyad ah uma hayaan.

Siyaasadiisa Fadaraalka oo Dad badan ay ku qadarinayeen sida uu uga hor tagay taliskii F&F,waxaa dhaawacay raadsashadiisii ra’isalwasaaraha oo loo arkay hanyari iyo ceebayn maqaamka Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale,waxuu Dad badan ku lumiyay oo raadintiisii ra’isalwasaaraha kasii darnaatay markii uu soo istaagay Qog Puntland kasoo jeeda yaan lasiin ra’isalwasaaraha.

Isku soo wada duuboo Deni Sanad iyo Bilaha uga harsan hogaaminta Puntland cadaab Siyaasadeed,ayuu ku dhamaysan doonaa.

Jibril Qoobey.