Ra’isalwasaaraha Janhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliya Xamse Cabdi

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Xamse ayaa hore u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sanadkii 2019.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku xigeen.

Xamse oo 48-jir ah ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay jaamacadda International Islamic University of Malaysia sanadkii 2009.