Puntland iyo Deeq bixiyayaasha oo kawada hadlay Arimaha Dimuqraadiyaynta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mohamed A. Dhabancad ayaa maantay shir kula yeeshay Magaalada Nairobi qaar kamid ah Deeq bixiyaasha.

Shirka ayaa si gaar waxaa looga hadlay qorshaha Dowladda Puntland ee barnaamijka Dimuqraadiyeynta, gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka hal cod iyo hal qof.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray mashruuca loo dhan yahay ee horumarinta Degmooyinka (#JPLG), si gaar ah qorshaha wajiga 4aad ee mashruuca kadib markii uu dhammaado wajiga 3aad oo ku eg sanadka 2023. Wasiirka ayaa dhankiisa hordhigay ajendaha Dowladda Puntland ee wajiga 4aad ee mashruuca, khaasatan inuu noqdo mashruuca ay si siman uga faa’ideystaan dhammaan Degmooyinka Puntland.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka warbixiyey guud ahaan xaaladda abaarta, saameynta dhaqaale ee abaarta, isbadalka cimilada iyo colaadaha Adduunka. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey doorashadii ka dhacday heer Federaal iyo niyad samida in Soomaaliya ka gudubta caqabado soo jiidatay sanooyinkii la soo dhaafay.

Wakiilada Deeq bxiyayaasha ayaa dhankooda bogaadiyey horumarka ka socda Puntland, ballanna qaaday in ay sii wadayaan taageerada barnaamijyada horutabinta leh sida Dimuqraadiyeynta, horumarinta Degmooyinka iyo cawimada xaaladda bini’aadanimo.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DOWLADDA PUNTLAND.