Puntland oo si weyn usoo dhawaysay ra’isalwasaaraha cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u rajeeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda “Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.