Gaalkacyo dib waxaa uga Aas-aasmay Unug cusub oo Alshabaab ah

Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore waa la Aasay rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.

Nabadoonka iyo Guud ahaan Qoyska reer Waloore waxay bar tilmaameed uyihiin argagixisada,sababtoo ah waa Puntlander aaminsan in layska dhiciyo argagixisada.

Horay waxay argagixisadu udishay Nabadoonka Aabihii Waloore oo isna Oday adag ahaa,waxayna dhaawaceen Walaalkii Cabdifitaax oo Wasiir noqday.

Gaalkacyo dib,waxaa uga abuurmay koox cusub oo Afduubka ah Ciidankuna uu daba joogay Maalmahan.

Habeeno ka hor,waxaa heegan gashay Galmudug kadib markii la helay Warar sheegaya in Baabuur Qaraxyo sida soo socdaan.

Ciidamada amaanku aadbay udadaaleen una dadaalayaan,balse waxaa caqabad xoog leh ku ah dhaqaalo yari.

Madaxweyne Deni oo ku darsaday Olalihiisii sida uu wax uga qabtay Amaanka Gaalkacyo,waxaa hada laga rabaa in uu ufasaxo Mudug Dhaqaale lagu shaqo galo.

Sidoo kale Madaxweynaha,waxaa laga rabaa in uusan waxba ka waydiin uguna dhiibin Ciidamada sugaya amniga Mudug Mukhtaar Jeyte,sababtoo ah ma’ahan masuul mana leh dareen iyo damqasho Dhul iyo Dad.

Jibril Qoobey.