Gaaska Dabiiciga ah Ee Srael oo loo suuqgaynayo Midowga Yurub

Dawladaha Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha gaasta dabiiciga ah ee wax lagu karsado, taasoo qorshaha heshiiskani yahay in dalka Israel uu gaasta dabiiciga ah u dhoofiyo suuqyada dalalka Midawga Yurub, iyada oo la sii marinayo laba wershadood oo ku yaalla dalka Masar.

Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay toddobaadkii hore, intii lagu guda jiray kulanka Madasha Bariga badda Mediterranean-ka, kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in la ballaadhiyo iskaashiga dhinaca gaasta dabiiciga ah ee u dhexeeya dalalka Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub.

Maraykanku uu hadda isku dayayo in uu ka odayeeyo xal u helidda muranka ka taagan dhul-badeedka ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, halkaas oo ay ku jiraan gaas aad u tiro badan, waxaana hindisuhu uu yahay in haddii xal laga gaadho, in lagu daro heshiiskan lala galay Midawga Yurub.