Video:-Ajandaha Kal-fadhiga 50-aad Ee Golaha Wakiilada Puntland oo loo qaybiyay Xildhibaanada

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL,ayaa maanta loo qaybiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 50-aad Goluhu ku shaqeyn doono.

Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa lagu soo daray Qodobo Xasaasi.

1- Heshiisyada Dekadda Boosaaso, Garoomada Diyaaradaha iyo Maxjarrada Puntland.

2- Xaaladda dhaqaalaha, dib u eegista tareefoonyinka Cashuuraha iyo sicir-bararka ka jira Puntland.

3- Khilaafka Madaxweynaha yo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

4-La xisaabtanka Xukuumadda yo Arrimaha Colaadda ee ka jirta qaybo ka mid ah Beelaha Puntland.

5- Xaalufka Deegaanka Bad iyo Berri iyo Dhoofinta Dhirta.

6- Arrimaha Amiga guud, difaaca xuduudaha iyo Arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Sanaag.

Qeybo kamid ah qodobadan ayaa la xasuusto inuu xilkiisii ku waayay guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) 7 Nofembar 2019.

Halkan ka daawo muuqaalka