Baarlamaanka Puntland oo diyaariyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Deni

Baarlamaanka Puntland,waxay diyaariyeen Mooshin ay kalsoonida ugala laabanayaan Golaha Wasiirada oo idil.

Sidoo kale intooda badan way ka hor yimaadeen Casuumada Madaxweynaha ee Madaxtooyada.

Xildhibaanada oo aan gaar uwaraystay waxay ii sheegeen in Madaxweyne Deni hor yimaado Baarlamaanka haduu rabo Dood.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayay ku dhaliileen in uu bahdilayo Baarlamaanka iyo maqaamkiisa.

Horay waxaa si weyn loogu dhaliilay Gudoomiye Abwaan Jibril uraacidii Deni ee Xamar xiligii olalaha Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka.

Jibril Qoobey.