Diyaarinta Sharciga Miisaaniyada Fadaraalka oo kulamo laga yeeshay

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) oo uu wehliyo dhiggiisa Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow,ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsanaa diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 oo maalmahaan ay ku howlanaayeen Guddi KMG ah oo Labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka ka kooban.

Guddoonka,ayaa Guddiga isku dhafka ah ee Diyaarinta Miisaaniyadda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan Miisaaniyadda Qaranka ee 2022 iyo waxyaabihii uga soobaxay isla xisaabtankii ay la yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.