Maxaa looga doodayaa Fadhiga Baarlamaanka Puntland Ee Maanta?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo ka mid ah 10 Guddi ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

  1. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda
  2. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha
  3. Guddiga Arrimaha Bulshadda, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
  4. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka

Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntlad