Muxuu Deni usheegay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland?

Kulankii Maanta ee Deni iyi Baarlamaanka dhamaan Xildhibaanadu waa kasoo qaybgaleen oo qayb ka maqnaatay majirto.

Madaxweynuhu,waxuu usheegay in hada waxii ka danbeeya usoo jeestay gudaha Puntland wakhtiga haray in uu ka shaqeeyo.

Xildhibaanada,waxuu ka codsaday wada shaqayn si wakhtiga yar ee haray wax badan loo qabto.

Si gaar ah,waxuu uga codsaday in lagala shaqeeyo socod siinta Dimuqraadiyaynta.

Madaxweyne Deni,waxuu si cad usheegay in uusan mudo kororsi rabin doorashadana wakhtigeeda ku qabanayo.

“Dimuqraadiyadaas igala shaqeeya ilaa inta la gaarsiin karo wakhtiga Sanad iyo barka haray haday noqon lahayd Golayaasha Deegaanka ama Baarlamaanka hadii laga gaaro”Ayuu ku yiri Madaxweyne Deni.

Arinka Fadaraalka”

Madaxweyne Deni,waxuu ku gaabsaday Aniga laygalama tashan magacaabista ra’isalwasaaraha!!.

Wax kale kuma darin faallo kalena ma bixin,waana aamusay jawaabtaasna waxay ku timid maadaama lagu xamanayay isaga in uu hor istaagay Qof reer Puntland ah in loo magacaabo booskaas.

Jawiga kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibaanada waxuu ahaa mid degan oo is afgarad iyo wada hadal qurxoon kusoo idlaaday.

Jibril Qoobey.