Soohdimaynta Degmooyinka iyo midaynta Canshuuraha D.hoose Ee Puntland oo gabagaba maraya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa furay shirka midaynta canshuuraha Dowladdaha Hoose iyo soo bandhigidda xogta soohdimaynta Degmooyinka Puntland.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Mudane Maxamed Axmed kulan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf, Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Xoghayaasha Dowladdaha Hoose, Agaasimayaasha waaxyaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Intii shirku socday waxaa si hor dhac ah la is kula eegay xogta soohdimaynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Sidookale, waxaa si qoto dheer looga dooday wax ka badalka nidaamka midaynta canshuuraha Dowladdaha Hoose ee Puntland.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawiwanaaagsan iyo is afgarad laga gaaray dhammaan ajendayaasha shirka u dhaxeeyey Wasaaradda iyo Degmooyinka Puntland ee shirka fadhiyey.

Ugu damayntii Shirka waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.