Muxuu ku saabsanaa fadhigii Maanta Ee Golaha Wakiilada Puntland?

Garoowe, Juun 20, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 3 Guddi oo kala ah.

  1. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL.
  2. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada DPL
  3. Guddiga Amniga & Nabadgelyadda Golaha Wakiillada DPL

Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntlad