Baarlamaanka Fadaraalka oo ka hadlay heshiiska Qaadka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyada ay dowladda la gasho dowladaha kale ee aan baarlamaanka la soo marsiinin, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya.

Guuddoomiyaha,ayaa sheegay in marka hore ay Xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan.

“Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha oo la waydiiyay waxa kaga qorsheysan heshiiska Qaadka ee lagu balamay in 5-ta bisha July lagu saxiixo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.”Ayuu yiri Aadan Madoobe.