Dil toogasho ah oo lagu xukumay argagixisadii Bosaso lagu qabtay

Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 5-ta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland,ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso.

Magacyada Xubnaha la Xukumay,ayaa kala ah…


1.Jaamac Aadan tusbaxle
2 Ayuub Cumar shire
3.Cabdulahi Salaad Boos
4.Maxamuud Abshir Muuse Olyo

Waxaa iska kaashaday soo qabashada Dambiilayaashan Ciidanka Police-ka Gobolka Bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo Jeneral Aamiin Xaaji khayr.