Aaran-shaydaan oo baadigoobaya siday Deni uga hor imaan lahaayeen

Aaaran-shaydaan waxay udiyaar garoobeen Doorashada Madaxweyne ee Puntland.

Diyaar garowgooda,waxaa ka mid ah oo aysan Dadku ogayn…

1.66-Qof oo lasiiyay Lacag loona diray Beelahooda si ay usoo helaan Xildhibaano.

2.Qorshe iyo Dhaqaale looga hor tagayo socodsiinta Dimuqraadiyaynta.

3.Isu diyaarinta Mucaaradad Deni ka dhan ah Sanadka iyo Barka haray.

Xasan si cad,ayuu Madaxweyne Deni uga codsaday in laga badalo Wasaarada Maaliyada oo Qof kale la keeno,isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya khilaafka kala dhaxeeya Karaash.

Ujeedku waa in Mucaaradad loo helo fursad Dadkana la is ilow siiyo,gaar ahaan Beesha Dhulbahante Eedihii laga galay Deni looga siibto.

Aaran-shaydaan saakay iyagaa raadinaya isku dhaca iyaga iyo Deni,waxaana ka war wareegaya Madaxweyne Deni.

Sababtoo ah waa ka adeegteen,waxayna Gacanta ku dhigeen dhaqaalihii iyo fursadii ay rabeen.