Gudoomiyaha Golaha Shacabka Fadaraalka oo dib Dalka ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur-Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha,ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Somaliyed ee ku dhaqanka dalkaas.

Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

                    Dhmmaad