Xubno ka mid ah Weftiga Madaxweynaha Somaliya oo laga helay Corona

Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil.

Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Xasan Shiikh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Ilo wareedyo ka agdhow Madaxwtooyada Somaliya,ayaa xaqiijiyay in xubno ka mid ah weftiga Madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka Corona.