Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Fadaraalka oo kulan la qaatay Saraakiisha Amaanka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir Gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xoriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xoriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka,ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xorriyadda.

Dhammaad