Itoobiya oo Gaadiid qaar ka jaraysa Kabida Shidaalka

Dowladda Itoobiya ayaa ku hawlan inay meesha ka saarto shidaalka kebista ah ee qiimaha jaban ku helaan gaadidka qaarkood.Tallaabada gaadidka qaarkood kebista lagaga joojinayo ayaa bisha soo socota bilaaban doonto.[Boqolkiiba 25% ayaa bil keddib laga jarayaa].

Sannadka cusub ee 2015 bisha Meskerem gaadidka aan kebista shidaalka loogu tallo galin waxaa laga jari doonaa 50% kebistii ay heli jireen.Bisha Tehsas caddadka laga jarayo wuxuu gaadhi doonaa 75%,marka la gaadho bisha Miyazia guud ahaan waxaa laga jari doobaa kebista ay helaan gaadidku.

Gaadidka laga joojin doono ee aan heli doonin kebista shidaalka [qimaha jaban] waxaa kamid ah; gaadidka raaxada ee guryaha iyo gaadidka xamuulka ee dalalka u kala goosha..Iwm

Kebista Dowladda waxaa heli doona oo lagu koobi doonaa: Bajajta,Taksigga,gaadidka dedwaynaha iyo gadidka adeegga bulsho qabta.


VOSS TV