Ra’isalwasaare Xamse oo la ansixiyay

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda codka kalsoonid ah u siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xamse Cabdi Barre.

Dhammaan xildhibaanada 220-ka ee soo xaadiray kalfadhiga ayaa u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin qof diiday ama cid ka aamustay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.