Puntland oo looga diyaar garoobayo Shirka Mashruuca JLPG

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxaa maanta ka dhacday shir hor dhac ah oo ku saabsan u diyaar garawga shirka dib-u-eegista mashruuca JPLG kaas oo dhici doona 28ka-29ka June 2022.

Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay qayb ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo hay’adaha bahwadaagta ka shaqeeya mashruuca JPLG.

Shirka waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.