Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Duleedka Matabaan

Ugu yaraan afar Qof oo Laba ka mid ah ay shacab yihiin,ayaa lagu dilay Seddex kale oo Laba Wariye ay ku jiraana waa lagu dhaawacay kadib markii qarax miino uu haleelay gaari ay la socdeen meel u dhow degmada Mataban ee gobalka Hiiraan.

Dadka dhintay waxaa ay aheen laba askari, darawalkii gaari iyo nin farsamo yaqaan ah.

Wariyayaasha dhaawacmay oo ka tirsan TV-ga maamulka Hirshabelle ayaa kala ah Khaalid Muxumed Cismaan (Ikacase ) iyo Cabdikariim Maxamed Siyaad.

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka gobalka Hiiraan ayaa toddobaadyadii ugu dambeyay howlgalo ka waday degaano hoostaga degmada Matabaan, halkaas oo kooxda Alshabaab ay Bilo ka hor fariisinmm ka sameysatay.