Shirka qiimaynta Mashruuca Shaqo Lacag ku badalashada oo Garowe ka furmay

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland Axmed Yuusuf Qahar iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Cabdicasis Nuur Cilmi “Koor”,ayaa maanta Xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kaga qaybgalay shirka qiimaynta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha maxiga ah ee ka shaqeeya mashruuca shaqo lacag kubadalashada “Cash For Work”, wasaaradda iyo hay’ada FAO kaas oo dhowrkii biloodba mar lagu qabto magaalada Garoowe.

Kulankan,ayaa intii uu socday waxaa xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’addaha maxaliga ah ee mashruucaan wada, hay’adda cunada iyo Beeraha ee FAO iyo wasaarada Deegaanka islamarkaasna loo balaarin lahaa howlgalka iskaashi ee dhinacyadan ay horey ugu jireen.

Shirka ayaa diirada lagu saaray mashaariicda Puntland ay FAO kawado sidii loogu salayn lahaa qorshaha dawlada Puntland gaar ahaana qaybtooda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyadoo laga duulayo istaraatijiyada Wasaarada Deegaanka oo ku salaysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Puntland.