Sidee udhacay la xisaabtanka masuuliyiinta amaanka Puntland Ee Baarlamaanka?

Xisaabtankii masuuliyiinta Amniga,waa soo dhamaaday.

Xildhibaanadu su’aalo adag ayay waydiiyeen Masuuliyiinta.

Waxa ugu badnaa ee la waydiiyay,waxay ahaayeen dagaalkii Bosaso,Gobolka maqan ee Sool iyo imaanshaha SL ay timaado Badhan.

Wasiirka Amniga,ayaa su’aalaha ugu badan ku hoobteen,waxaana aad loo waydiiyay dagaalkii Bosaso.

Su’aalaha waxaa ugu muhiimsanaa kuwan…

1.Maxay ahayd sababta aad ugasheen dagaalkii Bosaso.

2.Miyaan laga baaqsan karin dagaalkii Bosaso.

3.Dad intaa le’eg in ay naga dhintaan nagana dhaawacmaan maxaa sabab u ahaa.

4.Laascaanood maxay ku maqan tahay.

5.Badhan maxay SL usoo gashaa.

Talyaha Daraawiishta,ayaa erayo kulul ugu jawaabay Xildhibaan Faarax Biyoole oo su’aalo adag ku boobay,waxuuna ku yiri…”Faaraxow dagaalkaas adna dhinac baad hogaaminaysay ana dhinaca kale ee maxaad naga wareerinaysaa”

Xildhibaanada,ayaa hadalkaas ka buuqay,balse waxuu ku yiri mid kale oo uga sii daray xaalada oo ahaa…”Baarlamaanka 17-Qaaqle,ayaa lagu sheegi jiray,waana iimuuqdaan Maanta”.

Halkaa markay marayso,ayaa sawaxan qabsaday fadhigii,waxaana Xildhibaanadu ku hanjabeen in ay isticmaalayaan Awoodooda Dastuuriga ah,balse,waxaa raali gelin buuxda bixiyay Talyaha Daraawiishta.

Sidoo kale Talyaha Booliska oo ka jawaabayay arinta Badhan,ayaa yiri…”Badhan xal siyaasadeed ayay ubaahan tahay ee uma baahna mid Mileteri,hadaanse ku dhex dagaalano Shacabka saw waxii Bosaso oo kale ma dhacayaan oo Eedeeda anaga nama saaraysaan”

8-saac oo fadhi su’aalaha kadib,waa lasoo fasaxay Madaxdii.

Jibril Qoobey.