SOOMAALIYA WAA MASHRUUC KA GURUBSADA INTEEY GOORI-GOOR TAHAY.

Wasiirka Maaliyadda Mr. Cabdiraxmaan Bayle iyo Wasaaradda Maaliya waxa ay noqdeen kuwo aan oggolayn in lala xisaabtamo, islamarkaasna noqdeen furaha lagu owr-kacsaday wixii boob ku dhacay hantida iyo maaliyadda dowladda.

Hanti-dhowrka Guud ee qaranka wuxuu qoraal iyo afba ku cadeeyay in $87 million iyo $42 million aan la hayn xisaab-xirkooda ama qaabka lacagtaas ay ku baxday ama loo isticmaalay.

Waa murugo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed haddii xeerarka maaliyadda aan lagu dhaqmin, la hareer maro, ama sida la sheegaayo Mr. Bayle uu cadaladda ka baxsado – ha la iska hilmaamo in mar dambe laga hadlo cadaalad iyo isla-xisaabtan dambe.

Mr. Bayle waxaa lagu haystaa kala hadal xisaab celin iyo xisaab-xir la’aan shantii (5) sano ee la soo dhaafay iyo ku-takrifal xeerarka maaliyadeed fartuna ku fiiqan tahay in uu yahay udub-dhexaadka wixii musuq-maasuq ah ee dalka ka dhacay shantii sano ee la soo dhaafay.

Mr. Bayle waa curiyihii u iftiimiyay kooxda Nabad iyo Nolol (NN) is-dabamarinta maaliyadeed iyo qaabka loogu naaxo hantida qaranka.

Mr. Bayle waa macalimkii alifay “Soomaaliya waa mashruuc ka gurubsada inteey goori goor tahay”.

Badbaada Allah,

Avv. Khalif M Duale