Baarlamaanka Fadaraalka oo la horgeeyay Odoroska Miisaaniyada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Shiikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa iyo guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 7aad ee wadajirka ah oo Ajandihiisu ahaa aqrinta labaad ee warbixinta guddiga KMG iyo odoroska qoondada miisaaniyadda 2022-ka.

Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wwasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Shiikh Aadan Madoobe oo gabo-gabada kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon doono islamarkaana si qotodheer loo turxaan bixin doono.

                      DHAMMAAD