Jig-jiga oo qarka usaaran in laga dhigo ismaamul gaar ah

Madaxweyne Mustafe oo ay gadaal ka riixayaan Oromo soo dhexmaraysa Wasiir Axmed Shide,ayaa aqbalay in Jig-jiga loo sameeyo Ismaamul ugaar ah oo toos uhoostaga Fadaraalka sida Dirirdhabe.

Fikradan,waxaa horay udalbaday Beesha Jid-waaq xiligii Madaxweyne Cabdi Iley,balse isbadalkii dhacay kadib way ka laabteen doonistaas.

Haatan Oromo,ayaa soo noolaysay atagtidaas,iyadoo adeegsanaysa Wasiir Axmed Shide.

Madaxweyne Mustafe waa diidi waayay qorshahan,waxuuna qarka usaaran yahay in uu saxiixo.

Dhanka Beesha Jidwaaq si adag ayay ganafka ugu dhufteen,waxaana aad uga hor yimid oo la mari la’a yahay Garaadka iyo Cabdi-Wasac Bade.

Haday fikradan hirgasho waa dhabarjab ku dhacay Somalida iyo Magaalo kale oo geli doonta sida Dirirdhabe muran Oromo.

Jibril Qoobey.