Wasaaradda caafimaadka Puntland oo qabatay Shirka Lix bilood laha ah Ee Xanuunka HIV

Waxaa maanta ka bilawday xarunta Dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland shirka Lix bilood laha ah ee xanuunka HIV (Hiv quarterly meeting).

Shirkaan,ayaa waxaa ka soo qaybgalay shaqalaha ka shaqeeya xarumaha bixiya adeega dawa siinta dadka la nool HIV, iyo Hay’addaha bahwadaagta la ah wasaaradda ee WHO iyo UNICEF, sidoo kale waxaa joogay INGS ka ISDO, Daryeel iyo PAC.

Agaasima waxeedyada caafimaadka guud, qorshaynta, caafimaadka asaasiga iyo shaqada iyo shaqaalaha ayaa furitaanka ka qeybgalay.

Madaxa qaybta HIV wasaaradda Marwo Aisha Jama oo furitaanka ka hadashay ayaa tiri:-

“ Agaasimayaasha wasaaradda kasoo qaybgalayaasha waxaan idinka mahadcelinayaa ka soo qaybgalkiisa shirkan dib loogu eegayo lixdii bilood ee la soo dhaafay waxa qabsoomay caqabadaha jiray iyo dajinta qorshaha lixda bilood ee soo socota, shaqo la taaban karo ayaa qabsoontay waxaana guulo laga gaaray adeega dadka xanuunka la nool la siiyo iyo ka warqabkooda dhanka dawada.”

Agaasimaha waaxda caafimaadka guud Dr Ali Dhuh oo shirka furay ayaa ka yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinka soo qaybgalo shirkaan muhiim ah ee aad iskugu timaadeen loogana arinsanayo lixdii bilood ee la soo dhaafay shaqada la qabtay waxaan ku amaanayaa qaybta ka shaqaysa xanuunka HIV wasaaradda horumarka iyo shaqada horutabinta leh ee ay qabteen, dadaalkiina inaad sii laba laabtaana waan idinkula dardaarmayaa, waxaan sidoo kale shaqalaha ka shaqeeya gobolada ku bogaadinayaa shaqada adag ee aad dadkiina uhaysaan waliba idinka oo aan ogahay inaad duruufo kale duwan ku shaqaysaan, ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa hay’addaha aan wada shaqayno ee WHO Iyo UNICEF kaalintooda wax ku oolka ah.”

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.