Miyaa la dilayaa Madaxweynaha Ruushka Putin?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay in la dili doono,waxaana lagu dili karaa dubbe madaxa lagala dhaco,iyadoo la adeegsanayo shirqool qarsoodi ah oo ay u maleegayaan ragg isaga ka agdhow, sida uu qoray Daily Beast.

Daniel Hoffman oo ah madaxii hore ee CIA ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka saaxiibadiis ay isku dayi karaan inay xilka ka tuuraan Putin duullaankii fashilmay ee Yukreyn dartii.

Daniel Hoffman madaxii hore ee Sirdoonka maraykanka wuxuu rumaysan yahay in isku day kasta oo lagu afgembinayo Hogaamiyahan awooda badan uu noqon doono mid degdeg ah oo ay dhici karto in lagu dhamaado,wuxuuna yiri sidan .

“Nimanka shirqoolkan smayn doona waxay noqon doonaan kuwo qarsoodi howsha u gala, si madaxweyne Putin u ogaan,oo aanuu iyaga uga takhalusin,Waxay wax u dhici doonaan si lama filaan ah oo deg deg ah,Putin-na wuu dhiman doonaa sidaan ka qiyaasay xogaha aan helay “

Hoffman waxa uu qiyaasay in saddexda qof ee muhiimka ah ee arrintan shirqoolka ah ka danbayn kara ay kala yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Sergei Shoigu, Madaxa Golaha Ammaanka Nikolai Patrushev, iyo Agaasimaha Nabad Sugidda FSB ee Alexander Bortnikov, kuwaasoo uu sheegay in mid waliba hammi ka leeyahay hoggaaminta Ruushka.

Lknse Xeeldheerayaal kale ayaa xogtan ku tilmaamay arin aan suurta gal ahayn, oo la doonayo in la iska hor keeno oo shaki lakala geliyo Putin iyo saaxiibadiis gaar ahaan kuwo uu ku kalsoon yahay .

Hogaamiyihii hore ee kacaanka Soviet-ka Leon Trotsky ayaa horey loogu dilay Dubbaha barafka lagu dalooliyo,waxaana shirqoolkaas ka dambeeyey Joseph Stalin oo mudo maamulayey Ruushka .

WQ.Abdirisak Jubba.