Xamsoow ha isku arkin Agaasimaha Xaafiiska ra’isalwasaaraha ee isku arag in aad tahay ra’isalwasaarihii Jamhuuriyada!!

Xamsoow in aad Xaafiiskii ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah fariisato ma’ahan wax la yaab leh ee waad gaydaa.

Qiimahaagu waa sida aad ugu adeegto Xaafiiskaas.

Sidii Khayre hadaad noqoto Nin laga dhex qayliyo oo laga dhigto Cagaf lagu fushado Danaha gaarka ah macne ka tegi maysid.

Balse sidii Rooble hadaad ku shaqayso dareenka Shacabka iyo Danaha Qaranka Taariikhda ayaad geli doontaa sidiisa oo kale.

Ha noqon Nin fuliya qorshihii loosoo xushay.

Ha noqon Nin ku sifooba tilmaamihii loogala dhex baxay Ragii hanka booskaas lahaa ee kale.

Ha noqon Khayrihii loo adeegsaday Deegaamadiisii uu ku matalayay awood qaybsiga.

Ha isku arkin Agaasimaha Xaafiiska ra’isalwasaaraha ee isku arag in aad tahay ra’isalwasaarihii Jamhuuriyada!!

Jibril Qoobey.