Kal-fadhiga 12-aad Ee Baarlamaanka Puntland oo si habsami leh usocda

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 12-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2021.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Ahna Ku-simaha Wasiirka Cumar Xasan Cumar (Fiqi) ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021, sida uu qabo Qodobka 137 ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kuwaas oo si faah-faahsan uga hadlaya soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda.

Dhinaca kalena, Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DPL Cabdirisaaq Cumar Madoobe oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Hantidhawrka.

Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada Xafiiskooda u xil saaran yahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey shaqooyinka Hantidhawrka, ee La xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, baaritaano Hantidhawrka horay ugu sameeyay Wasaaradadaha iyo Hay’adaha Dawladda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland