Puntland oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo la xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo Calanka saaray saacadu markay ahayd 12:00, Kadibna wuxuu ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo iyo guud ahaan todobaadka xorriyada dalkeenna, oo ah taariikh u baahan in wax laga barto halgankii laga soo maray xorriyada, midnimada Iyo Dowladnimada.

Waxaa Madaxweynaha Munaasabadda ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND