Qaramada Midoobey oo markii ugu horeysey kahor timid Israel

Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeysey kahor timid Israel, soona Bandhigtay been ay israel ka sheegtay dilkii weriye shiriin abuu caqli oo u shaqayn jirtey Tv-ga Aljazeera.

Israel ayaa horay u sheegtay in weriye shiriin abuu caqli ay ku dhimatay Rasaas ay soo rideen kooxaha Falastiiniyiinta ee hubaysan,waxayna sheegtay in aanay israel aanay ku lu lahayn dilka weriyaha Al-jazeera.

Lknse baaritaan dheer oo ay samaysay Qaramada Midoobey waxay ku cadaysey in ciidamada Israeli ay rideen rasaastii lagu diley weriye shiriin abuu caqli sida ay muujisey natiijada baaritaanku .

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey Ravina Shamdasani oo saxaafada la hadashay waxay tiri sidan.

“Waa arrin aad looga xumaado in maamulka Israa’iil aysan samaynin baaritaan dembi ah oo ay been dunida la hor yimaadaan,
Annaga haddaannu nahay Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey, waxaanu soo gebagebaynay baaris madax-bannaan oo aanu ku samaynaynay dhacdada weriye shiriin.

Dhammaan macluumaadka aannu ururinnay oo ay ku jiraan xogta rasmiga ah ee millateriga Israel iyo xeer-ilaaliyaha guud ee Falastiin,waxaa noo soo baxday in rasaastii lagu diley weriye shiriin ay ka timid dhinaca Ciidamada Ammaanka ee Israel oo aanay ahayn rasaas ay soo rideen Falastiiniyiinta hubaysan, sida ay markii hore sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil,waxaan cadaynaynaynaa in weriye shiriin ay ku dhimatay gacanta ciidamada Israel,waana in lagu ciqaabaa cidii ka dambaysey dilka weriye shiriin oo aan waxba galabsan “

Abdirisak Juba