Video:-Maxaa looga xaajooday Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( caruurta, haweenka iyo naafada).

Halkan ka daawo muuqaalka