Ganacsade lagu Afduubtay Bosaso

Khadar Caydiid Oogle oo ah Ganacsade Xoolaha ka Baayacmushtara,ayaa Bosaso laga Afduubtay.

Ganacsadahan,ayaa kasoo jeeda Kilinka Shanaad ee Somalida Itoobiya.

Waxuu ahaa Ganacsadayaasha lagu tilmaamo heerkiisa Jeeb-yarayaasha.

Ciidanka Amaanka,ayaa ku raad jooga maalinkii 6-aad,waxayna baaris ku sameeyeen Xaafad ka mid ah Xaafadaha Degmada Carmo oo laga shakiyay.

Taleefoonka Khadar,ayaa mar laga daaray Degmada Carmo gudaheeda,kadibna waa la damiyay.

Hadalkiisii ugu danbeeyay,waxuu kasoo hadlay Whatsap,isagoo la hadlay Walaalkiis jooga Hindiya,waxuuna usheegay 3-beri in gudaha Bosaso lagu dhex wareejinayay hadana la geeyay meel Baadiye ah.

Ciidamada amaanka Puntland oo aan la xiriiray,waxay ii sheegeen in ay dadaal xoog leh wadaan.

Jibril Qoobey