Dalada Dhalinyarada Puntland oo hogaan cusub dooratay

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Jaamac Xasan Cabdile,ayaa furay Shirweynaha Sadexaad ee Dalladda Ururadda Dhallinyarada Puntland ee PYAN iyo Doorashada Gudoonka Dalladda Dhallinyarada,ayaa lagu qabtay magaalada Garowe.

Doorashadda gudoonka,ayaa waxaa ku tartamaayey musharaxiin ka tirsan gollaha dhexe ee dallada ururada dhallinyarada Puntland PYAN, ururadan oo ka kala yimi Sagaalka Gobol ee Puntland iyo ururka Ypeer, ergadan ayaa dhamayd 30 Xubnood, Codayn dheer kadib ayaa waxa ku soo kala baxay hogaan ururka Gudoomiye Libaan Maxamed Xuseen iyo gudoomiye ku xigeen Ruun Cali Cabdi.

Doorashadan oo ay goob joog ahaayeen Wasiiro, Taliyaal ciidan, Gudoomiyaal, agaasimaha Waaxda Dhallinyarada, ururada dhallinyarada iyo Madax kale.

Madaxda Wasaradda waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa gudoonka loo doortay Dallada ururada dhallinyarada Puntland ee PYAN, Sidoo kale waxay u mahad celinaysaa cid walba oo ka qayb qaadatay qabsoomida doorashada.

   ………………….DHAMAAD………………….

WIXII FAAH FAAHINA LA XIRIIR
E-mail: info@molys.pl.so
KUSOO BIIR TWITTER KEENA
https://twitter.com/molys_puntland
WABSITE KEENA
https://molys.pl.so/
KUSOO BIIR YOUTUBE KEENA / KANA SOO DAAWO
https://www.youtube.com/channel/UC-fekhCtkHoKaIuuUfU2cGA/featured
KUSOO BIIR INSTAGRAM KEENA
https://www.instagram.com/molys_puntland/

Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland