Ilhan Cumar”Waxaan daawanayay Nin Somali ah oo 38-Xabadood lagu dhuftay”

Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob joog u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku daatay.

Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah.

“Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qof lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku geeriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbuuc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis.

“Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minneapolis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka nin Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,” ayay tiri.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka sheekeysay in markii ay Soomaaliya kasoo qaxayeen qoyskeeda ka hor ay arki jirtay carruur iskuulka la dhiganaysay oo goobta waxbarashada la aadi jiray hubka.

Xilligaas waxay ahayd markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

“Waan garanayaa sida uu u eg yahay qalalaasaha noocaas ah ee hubka, balse waxaan nasiib igu filan u lahaa inaan soo qaxo oo aan magangalyo ka helo xero qaxooti, halkaas oo aan ku noolaa afar sano anigoo aan ku arkin wax qalalaase ah.”

Dhowr sano oo ay xeryaha qaxootiga ee Kenya ku qaadatay kaddib, Ilhaan waxa ay sanadkii 1995-kii tagtay Mareykanka, waxaana laga qaabilay gobolka New York. Da’deedu markaas waxay ahayd 12 sano.