Khadro Daahir Cige oo ku Geeriyootay Hargaysa

Waxaa la soo sheegay geerida Khadra Dahir Cige. Ilaahay ha u naxariistee, waxaa ay ilaa 10 maalmood ku jirtay cusubitaal ku yaala magaalada Hargeysa oo ay maanta ku geeriyootay.

Khadra Dahir Cige waxaa ay fanka Somalida ku soo biirtay 1974-kii, waxaanay muddo dheer ka mid ahayd fanaaniinta Somalida ee loogu jecel yahay.

Waxaanu Khadra Dahir Ilaahay ha u naxariistee aad isu baranay laga soo bilaabo 1990, wakhtiyadii ay UK timid, waxaanay ahayd qof aad u dabeecad wanaagsan oo dad jecel.

Ilaahay ha u naxariisto, ehelkeedii, qaraabadii iyo Somali oo dhana samir iyo iimaan ha ka siiyo.