M.xigeenka oo isbitaalka Qaran ku booqday Garaad Saleebaan

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Isbitaalka Qaran, ku booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmahan ku xanuunsanaa Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay dhakhaatiirta gacanta ku haysa xaaladda caafimaad ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Caafimaad ee Garaadka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu duceeyay Garaad Saleebaan in uu Alle xanuunka ka dulqaado, oo caafimaad taam ah siiyo, Aamiin.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND