Madaxweynaha Puntland oo hanbalyo udiray hogaanka cusub Ee Pyan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Guddoonka cusub ee ay maanta doorteen Dalladda dhallinyarada Puntland ee (PYAN).

Gudoomiye xigeenka Pyan

“Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee ay doorteen maanta Dalladda dhallinyarada Puntland ee (PYAN), Guddoomiye Liibaan Maxamed Xuseen iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ruun Cabdi Kamas, waxaan u rajeynayaa in Alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Gudoomiyaha cusub ee Pyan

Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulsho kasta oo meel ku nool, qeybweyn ayeeyna ka yihiin dowladnimada, amniga, horumarka iyo arrimaha Bulshada, waxaan boggaadinayaa masuuliyiinta Dowladda iyo cidkasta oo kala shaqeysay dhallinyarada qabsoomida Doorashada.

Hambalyo Markale
Guuleysta, “ Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND