Ukrain oo dalbatay in loo qabto Markab sida Qamadi laga soo xaday

Ukraine ayaa ka codsatay Turkiga in uu qabto oo uu xiro markabka Zhibek Zholy ee uu ka babanayo calanka Ruushka kaasi oo ah nooca xamuulka qaada, sidana shixnad qamadiga Ukraine ah oo laga soo qaaday dekedda Berdyansk ee uu Ruushku haysto, sida uu sheegay sarkaal u dhashay Ukraine ah uuna muujiyay dukumeenti ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalka oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine oo soo xiganayay xog ka timid maamulka badda ee dalkaasi ayaa sheegay in markabka Zhibek Zholy uu sido shixnaddii u horreysay ee qamadi ah oo dhan 4,500 oo tan oo laga raray dekedda Berdyansk, oo uu sarkaalku sheegay in ay leedahay Ukraine.

Warqad ku taariikhaysan 30-kii June oo ku socota wasaaradda caddaaladda ee Turkiga, ayuu xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine ku sheegay in markabka Zhibek Zholy uu ku lug lee yahay “in si sharciga baalmarsan uu u dhoofiyo qamadiga Ukraine,” kaasi oo laga raray Berdyansk kuna wajahan dekedda Karasu ee Turkiga, waxaana uu xafiisku sheegay in markabku uu sido 7,000 oo tan oo xamuul ah, taasi oo ah mid ka badan tirada xamuulka uu sheegay sarkaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine ayaa ka codsaday Turkiga “in uu baaritaan ku sameeyo markabkan, ay qabtaan qeyb ka mid ah qamadiga uu sido si baaritaan loogu sameeyo, iyo in ay dalbadaan macluumaad ku saabsan halka laga keenay qamadigan,” iyadoo warqadda lagu sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay in ay si wadajir ah mas’uuliyiinta Turkiga ugala shaqeyso baaritaanka.

Sarkaal Ruushka u jooga deegaannada uu haysto ee gobolka Zaporizhzhia ee Ukraine ayaa Khamiistii sheegay in muddo dhawr bilood ah oo uu joogsaday ka dib uu markabkii ugu horreeyay ee xamuulka qaada uu ka ambabaxay dekedda Berdyansk isagoo aan carrabaabin Zhibek Zholy.

Saraakiisha aqalka Kremlin-ka ee Moscow ayaan ka jawaabin dalab ay Reuters ku weydiisay in ay arrintan ka hadlaan.

Ukraine ayaa ku eedaysay Ruushku in uu xaday qamadi laga raray deegaannada ay ciidamada Ruushku qabsadeen tan iyo bishii February oo ay duullaanka militari ku qaadeen dalkaasi. Kremlin-ka ayaa horey u beeniyay in Ruushka uu xaday qamadiga Ukraine.

REUTERS