Booliska Puntland oo war kasoo saaray Ninkii la sheegay in Bosaso lagu Afduubtay

Khadar Caydiid oo maal mahan warkiisa la’la aa qoyskiisana ay sheegeen in lagu afduubay magaalada Bosaaso ayaa baaritaan ay sameeyeen sirdoonka Puntland ayaa lagu ogaaday in uu safar iskiisa ugu joogay magaalada laascaano,Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo gacan ka helaya ciidanka booliska Somaliland ayaa ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan isagoo dagan mid kamida hotelada magaaladaas kuyaala aysana Jirin cid afduubatay.

Taliska Ciidanka booliska DPL waxa uu u mahadcelinayaa dhigooda ciidanka booliska Somaliland oo gacan wayn ka siiyay qabashada khadar Caydiid.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIIDANKA BOOLISKA DOWLADDA PUNTLAND.