Faallo:-Dhaqaajinta Tareenka Dimuqraadiyaynta Puntland waa muhiim.

In Deni dhaqaajiyo Tareenkii Dimuqraadiyada Puntland markan waa la taageeri karaa maadaama uu balanqaaday in uusan mudo kororsi ku mashquulsanayn.

Ugu yaraan hadii lagu guulaysto qabashada doorashada Golayaasha Deegaanka waxay dhalaysaa in la helo Sadex Xisbi oo hanta hogaaminta Siyaasada Dalka.

Hadii ay soo baxaan Sadexda Xisbi,waxaa meesha ka baxaysa awooda Odoyaasha Beelaha,iyaga,ayaana go’aamin doona Doorashada Wakiilada goortay dhacayso.

Puntland waxay unoqon doontaa sharaf iyo horusocod Dowladnimo,waxayna sii haysan doontaa doorkeedii curadnimo ee Somaliya.

Deni,waxay unoqon doontaa taariikhda waxa kaliya ee uu ku faani doono in uu sameeyay.

Hala taageero oo waliba halagu tartarsiiyo Deni in uu ka dhabeeyo hadalkiisa dhaqaajinta Dimuqraadiyaynta.

Jibril Qoobey.